Deeq A. Posted January 2, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad u soo dhaweeyay go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boggaadiyay go’aanka ay qaadatay. Waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. DFS ayaa ku wargalisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom in aan dalka laga rabin, islamarkaana uusan ka shaqayn karin Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-ismaaciil-.mp3 The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites