Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad u soo dhaweeyay go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boggaadiyay go’aanka ay qaadatay.

Waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

DFS ayaa ku wargalisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom in aan dalka laga rabin,  islamarkaana uusan ka shaqayn karin

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-ismaaciil-.mp3

The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this