Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Sheegtay in ay dishay 7 ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska Milatariga Kenya ayaa looga hadlay dagaal Ciidankooda iyo Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Milatariga Kenya ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 7 ka tirsanaa Al Shabaab, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale  Kenya ayaa sheegtay in dagaalkasi ay Al Shabab kaga furteen illaa iyo 9 Qoray oo nuuca AK47 ah iyo Saanad Ciidan intaba.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internert-ka ayaa looga hadlay dagaalkaasi.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in warar ku bilowday qarax Miino, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Qooqaani iyo Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kale oo Al Shabaab ay tilmaameen in weerarkaasi ay ku gubeen Gaari Taw ah oo ay lahaayeen Ciidankaasi, sidoo kalena ay gaarsiyeen khasaare xoogan.

Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Kenya ay leeyihiin gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya.

The post Kenya Oo Sheegtay in ay dishay 7 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this