Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo dayactireyso Kanaaladii Wabiyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho( Sh. M. Network )-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta daah -furay kulan looga arrinsanayo la tashiga siyaasadda iyo sharciga Waraabka dalka.

Ugu horreyn wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhawaan la dayactirayo kanaaladii waa weynaa ee Wabiyada dalka , si looga hortago Fatahaadaha ka dhasha Wabiyadaasi.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka iy dalka uu muhiim u yahay, haddii la dhaqan galiyo la tashiga siyaasadda iyo sharciga waraabka dalka, maadaama xilligani baahi weyn loo qabo sharcigaasi.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay barnaamijyo badan oo lagu horumarin jiray Tacabka Beeraha iyo Waraabka intaba.

The post XFS Oo dayactireyso Kanaaladii Wabiyada dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this