Deeq A. Posted January 2, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga XFS ayaa goordhow war ka soo saartay weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee M/Muqisho. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaarayneyso dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay caafimaad deg deg ah u rajeynayso shaqaalihii Qaramada Midoobay ee ku dhaawacmay weerarkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay baaritaan ku heyso dadkii ka dambeeyay Hoobiyeyaashaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan oo uu khasaare ka soo gaaray shaqaale ka tirsan QM oo xilligaasi ku sugnaa xarunta xalane ee M/ Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites