Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka horjeesatay go’aanka dalka looga eryay Nicholas Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uusan khusayn Somaliland,islamarkaana ay si buuxda ula shaqeynayso Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay doorka Ergeyga Qaramada Midoobay ka qaatay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. FB_IMG_1546427038783.jpg?resize=701%2C96

PUNTLAND POST

 

The post Somaliland oo ka horjeesatay go’aanka dalka looga eryay Nicholas Haysom appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this