Deeq A. Posted January 2, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyay sababtii loo eryay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaaa shaaca ka qaaday in Haysom uu gef weyn ka galay Qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kalena uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sida uu hadalka u dhigay. Axmed Ciise Cawad ayaa intaasi ku daray in wakiilku uu galay khaladaad badan, una dhaqmay, sida nin madax ka ah Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cawad.mp3 The post Wasiir Cawad Oo ka hadlay Eryiddii Nicholas Haysom appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites