Sign in to follow this  
Deeq A.

Islaan Ciise oo kulan la qaatay murashixiinta ka soo jeeda G.Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15464147990822-1.jpg?resize=720%2Islaanka iyo afarta murashax ee la kulmay

Islaanka guud ee gobolka Nugaal,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa saaka kulan wada-tashi iyo xog-is weydaarsi ah la qaatay 4 murashax oo u tartamaya doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019.

Murashixiinta uu saaka la kulmay Islaanku oo kala ah;Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) iyo Maxamed Xuseen Shoortaayo ayaa dhammaantood ka soo jeeda gobolka Nugaal.

Mid kamid ah murashixiinta kulanka ka qeyb galay Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook-giis ku sheegay in kulankoodu ahaa wada-tashi iyo xog-isweydaarsi,balse faahfaahin kama sii bixin.

Musharaxiinta Gobolka Nugaaleed oo Kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah kula yeeshay saaka Islan Ciise Islan Maxamed hoygiisa.
Midig Abdi Farah Juxa, Gen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid-dheere), Islaan Ciise Islaan Maxamed, Sheikh Aden Maxamed Ciise (Gaadaale) iyo Prof. Maxamed A. Xuseen (Shortayo)” ayuu yiri Juxaa.

Faahfaahinta kulan kala soco Puntland Post

The post Islaan Ciise oo kulan la qaatay murashixiinta ka soo jeeda G.Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this