Deeq A. Posted January 2, 2019 Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalo bartamaha dalka Mali, sidaasi waxaa sheegay Radio France International (RFI). Dadka dhintay waxaa ku jiray haween iyo caruur oo ku sugnaa tuulada Koulogon ee gobolka Mopti, sidaasi waxaa yiri wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Arouna Modibo Toure. Arrintan rag hubeysan ay tuulooyinka iska weeraraan ayaa sabab looga dhigay dagaal beeleed la xiriira daaqsiin iyo xoolo dhqato, waana arrimo horay u soo jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites