Deeq A. Posted January 2, 2019 Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa nabad ugu baaqay beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in ayaan darro weyn ay tahay in xilligan ay dad Soomaaliyeed isku dilaan aano qabiil, iyaga oo ku baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo. Xildhibaannadan ayaa ka dalbaday waxgaradka Soomaaliyeed iyo maamullada ka jira deegaannada la isku hayo in ay kaalin ka qaataan nabadda iyo isku keenista shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-XILDHIBAANADA-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites