Deeq A. Posted January 2, 2019 Qoryooley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa saaka howlgallo ka wada xaafado ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaay yimid, kadib markii Xalay Al Shabaab iyo Ciidanka dowladda ay ku dagaalameen gudaha degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwalagu xaqiijinayo amniga degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in weli howlgalladu ay socdaan , islamarkaana marka uu soo gabagaboobo ay la hadli doonaan Warbaahinta. Ugu dambeyn saraakiishani ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan halkaasi in ay kala shaqeeyaan sugida ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka socdeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. The post Howlgallo xoogan Oo saaka ka socda degmada Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites