Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo XFS ka taageerayo dib u dhiska Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Abukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalaadda XFS ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Ugu horreyn labada Ma’suul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Cadaalladda Xukuumadda  Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi .

Waxuuna xusay in ay ka wada arrinsadeen arrimo ay ka mid tahay dib u dhiska hay’adaha Garsoorka dalka.

Turkiga aya ka mid ah dalalka sida u dhow saaxibada ula ah dowladda federaalka ee Soomaaliya, kaas oo dhinacyo badan ka taageero Soomaaliya.

The post Turkiga Oo XFS ka taageerayo dib u dhiska Garsoorka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this