Deeq A. Posted January 2, 2019 Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadaallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug uu ka wado maamulkaasi. Xildhibaan Odawaa oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xusay in labada garab ee Galmudug uu u dhexeeyo isfaham waa xoogan, balse uu ku dadaali doonaan, sidii loo dhameyn lahaa arrintaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la samata bixiyo Galmudug oo in muddo ah uu hareeyay khilaaf xoogan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoona maamulku u kala jabay laba garab oo fadhiyadoodu ay kala yihihiin magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Xildhibaan Odawaa Oo xal u raadinaya Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites