Sign in to follow this  
Deeq A.

8 Ruux oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad aha ayaa ka soo baxeeyso shil gaari oo qasaare geeystay oo ka dhacay duleedka degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Beer oo dhacda duleedka degmada Burco.

shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah iyo gaari nooca rakaabka qaada  ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa.

Waxaa halkaasi ku dhintay 8-ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga Baska waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 5-ruux.

Cabdilaahi Cabdi Cali oo kamid ah Ganacsatada Burco oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay shilkaasi gaari.

Shilalka gaari ayaa ku soo noq noqda deegaanada Soomaaliland oo ay dad badanina ku dhintaan.

Hoos ka Dhageeyso Waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP-katirsan

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wareeysi-Shil-Gaari-.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post 8 Ruux oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Burco appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this