Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad ” Si Deg Deg ah Haysam ha uga baxo dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay tilaabo dowlada Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirka Qaramada ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Mudane Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo.

Waxa uu sheegay in xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen in dalka aan looga baahneeyn Nicholas Haysom.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Haysom uu dhowr jeer uu sameeyay falal lid ku ah qaranimada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Haysam uu dalka isaga baxo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Haysom ayaa xafiiska la wareegay bishii Octobar ee sanadkii tagay 2018-ka waxaana uu hayaa safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 3 Bil oo kale ah .

Hoos ka Dhageeyso Codka

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wasiirka-Arrimaha-Dibadda-Soomaaliya-goaanka-Wakiilka-gaar-ah-Qaramada-Midoobe-ee-Soomaaliya.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Wasiir Cawad ” Si Deg Deg ah Haysam ha uga baxo dalka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this