Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Somalia oo dalka ka caydhisay wakiilka QM, Nicholas +Qoraal rasmiya oo….

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Somalia oo dalka ka caydhisay wakiilka QM, Nicholas

 hayson-300x169.jpg

 Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba sheegtay in dalka uusan ka shaqeyn karin wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu jibiyay madax banaanida dalka.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom. 

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankani uu salka ku hayo ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si badheehdana u fara geliyey madaxbanaanida dalka.

Arrintan ayaa timid kadib markii Haysom uu soo saaray warqad uu wasaaradda amniga kaga dalbanayo in lagu cadeeyo hanaankii loo maray xadhiga Roobow iyo dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo.

Halkan ka akhri Qoraalka…

un.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this