Deeq A. Posted January 2, 2019 Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii sabtidii ku naf waayey weerarradii bahalnimada ahaa ee kooxaha nabad diidka iyo diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho. Weerarradaas dadka ku qudh go’ay waxaa ka mid ah; AHU wariye Cawil Daahir Salaad iyo wariyayaal kale. Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax, kufsi, ku qabso ku qadi maysidee iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan. 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uu ka dhicin. Quri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka ayaan darantahay magaalooyinka kale, oo hal kii sanoba baroordiiqda qof xaq darro lagu dilay guri walba oo Muqdisho ka mid ah ayey tallaa. Taasi waa tilmaame tilmaamaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan.waa arrin lala yaabo, balse waxaad sii amakaagi doonta marka aad ogaato in dadka Muqdisho ku nool malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay masuulka ka yihiin shacabka. Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur bullet proof ah iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa , xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii. Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qoray ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal. Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan.waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. QARAXA YAA FULIYA? Waxaynu maqlana qarax ayaa dhacay, balse qarax walba oo dhaca waxaynu si toos ah masuuliyadda ugu saarnaaa Al-Shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka, meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo. Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta oga in ay jiraan Al-shabaabka dadban, WAA KUWAMA ALSHABAABKA DADBAN? Al-Shabaabka dadban waa kuwo ila nool, kula nool oo inala wada nool.waa kuwo baska kula raaca , waa kuwo tukaanka kaala adeegta waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyad dhacaan iyaga oo ilama yaxaaslaynaya. Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, meesha uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, meeshaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh. Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabak dadban oo gacan libaax leh ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka toosani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka. Waxaan iri ; maska cunaya ruuxdisa cuna qaban caruurtiisa Misna caana siinaaya Car yaa garan ciyaartaas?. Al-Shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan. AMMAANKA MUQDISHO MAXAA KA QALDAN? Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda , waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho.Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadda iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo, taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda walibana meelo iyo dad muhim ah beegsadaan. Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? , ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? , ma arrimo kale oo aanan ogeyn ayaa jira?. waa su’aalo u baahan in aad loo lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan . Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ;1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso. 2) in dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah. Labadan qodobba haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loogala xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh. Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxan maqalnaa dhalinyarro ayaatabobbar u soo idlaaday haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda. Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka Muqdisho. Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qarxyada hadda iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka h ah . MAXAA KA QALDAN XOREYNTA DALKA? Waxan laqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-Shabaab laga xoreyn la’ayahay gobolka ay haystaan , waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2, 000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9, 000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee alshabaab. Su’aalaga aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayinee hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanhay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee, waxaase muhiim in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda shabaab ay tahay qoxandho ku mudan dawladnimadeenna. GUNAANAD Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalkaan ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya , waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan , waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn. W/Q: Yacquub Xayir Email: yacquubxayir2625@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites