Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo shaaciyey siduu u arko in DF ay dalka ka ceyriso wakiilka QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugiida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka hor-yimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalka uga cayrisay wakiilka QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in go’aanka uu yahay ismiidaamin siyaasadeed oo la mid ah mida is-qarxinta ee Al-Shabaab.

“Dalka laguma maamuli karo siyaasad isqarxin ah sida xafiiska isqarxinta ee Al-Shabaab” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Cawa Mogadishu warka ka imanayaa ayaa sheegaya in dalka laga eryay wakiilka Qaramada Midoobay, dal xur ah ayaa tilaabadani qaado, laakiin ma qaadi karto dowlad maamusha wadada Maka Al-Mukarama.

“Ciidanka iyo shaqalaha rayidka ah waxa biil joogta ah siiyo Qaramda Midoobay, madaxda waxa ilaaliya Amisom oo hoos tagta UN”

“Siyaasad is-qarxin ah Shabaab ayaa dalka ku qabsan wayay”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this