Sign in to follow this  
Deeq A.

Argagax iyo anfariir: Maxaa caawa ka socda Xalane?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waloow inta badan ay mas’uuliyiinta iso shaqaalaha QM ay waddanka ka maqan yihiin, haddana warka ah in dowladda Soomaaliya ay waddanka ka ceyrisay ergayga xoghayaha guud ee QM u qaablisan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhammaan xerada Xalane oo xarun u ah hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xarunta ayaa inoo xaqiijinaya in ay dhammaan hal mar istaageen xafladaha dabbaal degyada sanadka cusub oo xalay soo billowday, kadib markii uu soo dhacay warka waddenka looga mamnuucay ergayga, taas oo cabsi u walbahaar ku abuurtay shaqaalaha howsha xafiiska soo wada.

Madaxda xafiisyada muhiimka ah ee QM ayaa la filayaa in ay soo gaabiyaan fasaxyada sanadka cusub oo ay dalalkooda ku joogaan, si ay ula tacaalaan xaaladda taagan oo ah mid ugub ah marka loo eego go’aanka dowladda Federaalka ah oo lama filaan ahaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka ah ayaa caawa shaacisay in aan waddanka looga baahneyn Nicholas Haysom, maadaama uu ku xadgudbay madaxbannaanida dalka, sida loo dhigay qoraalka lagu eryay Haysom.

Ergayga oo iminka fasaxa sanadka cusub ku maqan ayaa shalay soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo dowladda Soomaaliya.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid marnaba aysan beesha caalamka ku fakarin in madaxda Soomaalida ay qaadan karaan, ayaga oo mar walba rumaysnaa in beesha caalamka ay tahay tan leh go’aanada siyaasadeed ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this