Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey madaafiicdii lagu weeraray xerada Xalane.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka Hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha UN-ka iyo shaqsi Qan-daraasle ahaa.

Ergayga Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ufadhiya Muqdisho, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarka madaafiicda ah.

Haysom ayaa soo kabasho deg deg ah wuxuu urajeeyay dhibanayaasha, kuwaasi oo dalalka ay udhasheen aanan la shaacin.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada falkaan waxay tibaaxday inay 7 madfac oo ay gantay ay gudaha ugaleen dhismaha ugu muhiimsan QM.

The post QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this