Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo sheegtay in wakiilka UN-ka uusan dalka ka shaqayn karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka “aanan laga rabin” wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan arrrimaha dalka, Nicholas Haysom.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in go’aankaan uu yimid markii uu Haysom soo farageliyay arrimaha gudaha ee dalka, islamarkaana uu ku xadgudbay madax-baanimadda qaranka Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo dhowaan soo saarey war-saxaafadeed ayaa kaga hadlay xarigii Roobow iyo waliba rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo bishii December ee sanadkii tegay 2018.

Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha Janaayo 2019 aanan dalka ka shaqayn karin Haysom.

Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda

Dv2FP0FXcAASUdu.jpg

The post DFS oo sheegtay in wakiilka UN-ka uusan dalka ka shaqayn karin appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this