Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo qabtay nin Ilmo yar ka afduubtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa shaaciyay in saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in Gabar yar uu ka Afduubtay duleedka magaalada Muqdisho.

War Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Ninkaasi laga qabtay deegaanka Leego ee gobolka Sh/ Hoose, haatana gacanta ay ku hayaan isaga iyo Gabadhii uu Afduubtay, inkastoo aysan shaacin magaca ninkaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Gabadhaasi yar laga soo afduubtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Lama oga waxa ka yeeli doonaan ninkasni Al Shabaab, balse inta badan waxa ay xukuno kala duwan ka fuliyaan deegaanada ay ka arrimiyaan ee k/ iyo bartamaha Somalia.

The post Al Shabaab Oo qabtay nin Ilmo yar ka afduubtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this