Deeq A. Posted January 1, 2019 Mandera ( Sh. M. Network )-Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa M/ Mandera ku toogtay Haweeney da’ ah oo ka mid ahayd dadka deegaanka. Dilka Haweeneydan ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Guddoomiyaha Urur u dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka ayaa xafiiska dacwad-oogaha guud u gudbiyay gal-dambiyeed ka dhan ah Booliska Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka ammaanka, isaga oo xusay in ay baaritaan dhab ah ku sameynay doonaan Kiiskaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay ee saraakiisha Kenya ay dad rayid ah ku dilaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya. The post Booliska Kenya Oo haweeney da’ ah ku Toogtay M/ Mandera appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites