Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya Oo haweeney da’ ah ku Toogtay M/ Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera ( Sh. M. Network )-Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa M/ Mandera ku toogtay Haweeney da’ ah oo ka mid ahayd dadka deegaanka.

Dilka Haweeneydan ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Guddoomiyaha Urur u dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka ayaa xafiiska dacwad-oogaha guud u gudbiyay gal-dambiyeed ka dhan ah Booliska Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka ammaanka, isaga oo xusay in ay baaritaan  dhab ah ku sameynay doonaan Kiiskaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee saraakiisha Kenya ay dad rayid ah ku dilaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

The post Booliska Kenya Oo haweeney da’ ah ku Toogtay M/ Mandera appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this