Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo ka hadashay Madaafiic ku dhacday xaafada Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka nabad-illaalinta ee Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Hoobiyeyaal maanta lagu weeraray agagaarka xeradda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigtay koontadda ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa tilmaamtay in bartilmaameedka madaafiicda ay ahaayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Bayaanka ayaa lagu xusay in madaafiicda aysan ku dhicin badankooda gudaha dhismaha, inkasta oo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaa burbur ka dhashay oo sameeyay xafiisyada qaar.

“Madaafiicda beegsigooda wuxuu ahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhamaantooda ma aysan ku dhicin bartilmaameedkooda. Xaaladda haatan waxay ku jirtaa gacanta maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay ayaa sheegtay in madaafiicda ay gudaha ugu daateen saldhiga Xalane, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay, inkasta oo aysan cayimin.

Xerada Xalane oo ku taala meel ku dhow madaarka Aadan Cadde ayaa waxay degaan utahay saraakiisha ugu sareysa howlgalka Qaramada Midoobay, Diblumaasiyiin iyo Ajaaniibta dalka ku sugan

The post AMISOM oo ka hadashay Madaafiic ku dhacday xaafada Xalane appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this