Deeq A. Posted January 1, 2019 Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee caasimada dowladda Puntland. Xildhibaanada oo ka yimid magaalada Muqdisho waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, maamulka Gobolka, kan degmada, siyaasiyiin, odayaal dhaqmeed, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Labada mudane oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto degaannada Puntland ee ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb gal arrimaha doorashada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan DFS oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites