Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerarkii xarunta Xalane ka sameysay sheegasho yaab badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegasho culus ka sameysay madaafiicdii maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee Muqdisho oo ay degan yihiin beesha caalamka iyo Amisom.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in “guutada madaafiicda ee kooxdaas ay maanta weerar xooggan la beegsadeen xerada Xalane, islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada AMISOM iyo shaqaalaha QM”

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa idaacadda Al-Shabaab ee Andalus u sheegay in 7 gantaal lagu dhuftay xerada, islamarkaana ay dhamaantood  ku dhaceen gudaha xerada Xalane.

Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in khasaare nafeed iyo mid maadi uu soo gaaray ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Xalane, inkasta oo aysan sheegin wax tiro ah.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiiin karta sheegashada Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan haddii xitaa khasaare uu jiro sidee Al-Shabaab ku ogaatay waxa ka dhex dhacay gudaha Xalane

Xerada Xalane, ayaa waxaa safaarado ku leh dowladaha reer galbeedka, halka sidoo kalena ay talisyo ciidan ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this