Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war kasoo saartay weerarkii lagula beegsaday maanta xarunta Xalane iyo khasaaraha kasoo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midobay iyo ruux qadaraasle ah ay ku dhaawacmeen, mana la sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarka.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

“Weerarkii maanta  ee ka dhacay xarunta Weyn ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho, wuxuu jabinayaa Xeerarka caalamiga ah ee bini’aadanimada, Waxaan ka xumahay falkan aan idmaneyn ee gardarada ah kaasi oo ka dhan ah shaqaalaha, waxaan u rajeynayaa caafimaad deg deg ah kuwa naga dhaawacmay”.

” Ma jiro qorshe siyaasadeed loo adeegsan karo colaadaha oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageera isku dheelitirka nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Weerarkii ayaa sababay dhaawaca shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku sugnaa xarunta xalane.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this