Deeq A. Posted January 1, 2019 Garoowe ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa xilka heyn doono muddo kooban, waxaana uu ku wareejinayaa Guddoomiyaha Cusub ee loo doorto Baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa loo doortay Guddoomiyaha KMG ah kadib markii maanta la dhaariyay xildhibaanada, waxaana xilkaasi loogu dhiibay maadaama uu noqday shaqsiga ugu weyn xildhibaanada. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa la dhaariyay saacado un kadib markii shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay. Guddoomiyaha cusub ayaa laga doonayaa in uu ka shaqeeyo soo xulista guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana kadib xigi doono doorashada Madaxweynaha. The post Baarlamaanka Puntland Oo doortay Guddoomiye KMG ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites