Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo Hubeysan oo qof shacab ah ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wararka ka imaanaya Deegaanka KM13 gaar ahaan Nawaaxiga Macaani ee Duleedka Magaalada Muqdiho ayaa ku waramaya in maata toogasho loogu geestay Qof Shacab ah halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Shaqsiga Dilka Loo Geestay uu ahaa Wade Mooto Bajaaj isla markaana Ragii dilkaasi Geystay ay isga Baxsadeen Halkaasi.

Ilo Dadka Deegaanka KM13 ka tirsan ayaa shabeele u xaqiijiyay Falkani Dilka ah ee loo geestay  Darawalkaasi kuwaas oo tilmaamay in  aysan garanayn sababta ka dambeysa dilkaasi iyo Marxuunmka Magaciisa intaba walow ay ka gaabsadeen in aan Codkooda u adeegsano Qalabka warbaahinta Sababo Amni awgeed.

Waxayna intaasi ku dareen in Goobta falka Dilka ah uu ka dhacay Durbadiiba ay soo gaareen Ciidamada Amniga Deegaankaasi.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay   Baaritaano  ka sameeyeen Halka Dilka loogu geestay Wadaha Moota Bajaajta walow aan la xaqiijin Karin howlgalkaasi Cidda ay  Ciidamadu ku soo qab qabteen.

Falalka dilalka ah ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo deegaanada dhaca duleedkeeda kuwaas oo qaarkood loo geysto Ciidamo iyo Howlwaddeeno ka tirsan dowladda Somalia iyadoona ay sheegtaan Masuuliyadooda Al Shabaab.

Hayeeshee dilalka dadka rayidka ah loo geysto ayaanu jirin cid sheegta masuuliyadooda amaba ka warbixisa.

The post Kooxo Hubeysan oo qof shacab ah ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this