Deeq A. Posted January 1, 2019 Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ugu yaraan 4 Hoobiye ayaa waxa ay ku dhaceen Xaafada Xalane degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Madaafiicdaan oo aan geysan wax Khasaaro ah ayaa la sheegay in Bartilmaameedkoodu ahaa xarunta Xalane ee Taliska ugu weyn Ciidamada AMISOM. Ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha Ammaanka Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay ka bixiyeen weerarkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta Masuuliyadda weerarada nuucaani ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, walow aysan haatan wax war ah ka soo saarin. The post Madaafiic ku dhacay Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir. appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites