Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaafiic lagu garaacay Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaafiic xooggan ayaa waxaa goordhow lagu garaacay xaafadda Xalane ee degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku sugan xaafadaas.

Madaafiicdaas oo aan ilaa iyo hadda la garan halka laga soo tuuray ayaa jugtooda waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Wadajir, waxaana dadka Xaafadaas ay sheegeen inay maqleen jugta ilaa afar madfac.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha xarunta Xalane ee beesha caalamka ay ka degan tahay Muqdisho ay ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicda, balse aan weli la garan karin khasaaraha ka dhasahay.

Wararka kusoo kordha kala socda Caasimada Online, Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this