Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Deegaanno hoostaga Jubbada Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network):-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa waxa ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose kaas oo ay wadaan Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku sheegay dhaq dhaqaaqyadooda in ay yihiin fulinta awaamiirta Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ee ku aadanaa in Al Shabaab laga saaro gebi ahaan Gobolka Jubbada dhexe.

Hayeeshee dadka ka faalooda xaaladaha Jubbaland ayaa ku sheegay go’aanada ka soo baxay Axmed Madoobe kuwa soo daahay maadaama uu ku soo beegay xilli fooda nagu soo heyso doorashada Madaxweyne ee maamulkaas.

Howlgallada ka dhanka ah Al Shababa ee Jubbaland haatan bilowday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn Ciidamada AMISOM.

The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Deegaanno hoostaga Jubbada Hoose. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this