Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland oo shalay lagu dhawaaqay ayaa saaka la dhaariyay.

Xubnahan ayaa guddoomiye ku meel-gaadh ah u doortay Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah ninka ugu da’da weyn inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah.

Golaha ayaa ka kooban 65 nin iyo hal gabadh,waxaana ku jira 49 weji oo cusub,halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamankii hore.

Mas’uuliyiin kala duwan oo saaka khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa kuldardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay.

Golaha ayaa si adag looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this