Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Laga Dalbaday Faah Faahinta Xarigga Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa wuxuu dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in sida degdeg ah ay sharaxaad buuxdo uga bixiso xarigii loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo sidoo kale wixii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Haysom ayaa la sheegay in uu warqad u qoray wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliy, iyadoo mas’uulkan uu sheegay in xarigga Roobow ay ku lug lahaayeen ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay, islamarkaana dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Sidoo kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in arrimahaasi ka dhacay Baydhabo darteed loo xir-xirey 300 qof, kuwaasi oo ka carooday xarigga Abuu Mansuur.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in sababaha Roobow uga soo xireen magaalada Baydhabo ay tahay kadib markii uusan fulin qaar ka mid ah qodobo horey ugula heshiiyeen markii uu kasoo baxayey Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale.

Arrinta kale ee lagu xusay warqaddaasi ayaa ah xarigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this