Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha DF Somalia ee Gobobolka Gedo oo ka warbixiyay xubno Al Shabaab ka tirsanaa oo lagu toogtay Baardheere.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh.M.Network):-Col Guhaad Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) oo ka mid ah Saraakiisha degmada Baardheere  Ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay Arrimo La Xariira Amniga Degmadaas.

Taliska Militariga Soomaliya ayaa xusay in ay ku howlan yihiin  ka hortaga Falalka Liddiga ku ah Amniga Gobolka Gedo Ee Koofurta Soomaliya.

Taliye Guhaad Ayaa tilmaamay in tallaabadaan wax Badan ay ka Bedeli Doonto Amniga Degmada Baardheere taas oo ku aadan Rag ka tirsan Al-Shabaab oo uu Sheegay in   Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay  dil Toogasho ah, Isla Markaana Shalay  laguna fuliyay

Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ee Koofurta  Soomaaliya ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta deegaanada iyo degmooyinka Gobolkaas.

The post Saraakiisha DF Somalia ee Gobobolka Gedo oo ka warbixiyay xubno Al Shabaab ka tirsanaa oo lagu toogtay Baardheere. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this