Sign in to follow this  
Deeq A.

Saadaasha horumarka Somaliland iyo sanadka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

SAADAASHA HORUMARKA SOMALILAND IYO SANADKA CUSUB 2019 LA SOCO OO HA MOOGAAN

Waxa hubaal ah in ay SOMALILAND ku talaabsan doonto horumar dhaqaale iyo kor u kac ku iman doona bulshada
Sommaliland.DAWLAD AHAAN IYO DADWEYNE AHAANBA.

Bal an u daadegno ilaha dhaqaale ee burqan doona sanadka cusub ee 2019ka.

WAX SHISHEEYA KAA SOO GALAA GAAJO BIXINWAAYE GADHOODHKA IYO SUBAGAYGU FILAN OO GUBAA DAYE
GARWAAQSADAAY WAANNO WAA LAGAMA GUURAANE.

Wasiirada iyo teamkoodu ku ekaan maayaan mishahar saxeex qayil oo qaybi bal se sanadka dhig cusub fisha

DAAWANAAYOW WAA DALKAAGII
CEELA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA.

Afar wasaaradood oo Somaliland ah baa baahi shisheeye lagaga maarmi doonaa iyo gacan hoorsi ajanebi.

WASAARADA KALUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADA.
Waxa dib dardar loo gelin doona wershadii kaluuunka ee LAASGORAY taas oo china u quus goyen doonta iyo damaca badeena cas.taas oo suuqa maxaliga iyo ta jaarka door wax ku ool ah ka ciyaari doonta.

WASAARADA XANAANADA XOOLAHA

Waxa dib u soo laba kaclayen doona suuqii xoolaha ee BURCO kaas oo camiri doona xirooyina lagu xanaaneeyo ee BURCO iyo BERBERA .taas oo dhaqaale frabadan soo hoyen doonta.saylladihii galbaday ee SACUUDIGA iyo EMAARAATKA qabsan doona.
WASAARADA BEERAHA.

wax soo saarka dalaga waa laf dhabarka nolosha aadamaha sidaa awgeed awoodsaarkeenu wuxu noqon doonaa falida beeraheena
sida qamadinka, heeda, galeyda, hadhuudhka cilmi jaamac iyo khudaartoo noocwalba le dhulkeenu waa dhul wax soo saarka ku fiican.

WSAARADA MACDANTA.

Waa hubaal in uu buuraleyda golis rangka ee min LAWYACADO ilaa DAALLO dheemanta iyo macdantu jiifto markaa waxa la soo
qaadan doonaa shirkad china ah oo Somaliland leedahay oo qodi doonta dhamaan goobaha macdanta hodanka ku tahay
sida SIIMOODI, ILAA DAALLO .

DEKEDAHA KU SOO KORDHI DOONA BERBERA OO AGOON AH WAA,

LUGHAYA PORT, SAYLAC PORT, XIIS IYO MAYEDH.

WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON.

WAXAN JIIFTO IDIINKA TEGAYAA

IS TAAGEERID BAY LABA GACMOOD TAHAR KU YEESHAANE
TISKA WAXA LA QAADAA MARKAY TIIRISAA BIDIXE
HADAY MIDIGTU KELI TAAGANTAHAY TAHAR MA GOYSEENE
IS TAAGEERIDAASAY KU DHALI DAWLAD TAMAR WEYENE
ICTIRAAFNA WAA TIIRKA XIGA TAB IYO XEESHEEN DHEH.
ISKU TIIRSADAAY YEY MARKALE TOOBADSEEG NOQONE.

TALO WAA MAR AAD GARNWEYDAY
IYO MAR AAD GAADHIWEYDAY.

ALLAW TALLADA IYO TUBTA TOOSAN NA WAAFAJ
NAGA DAWEE CAMBAARAYEN MUCAARID IYO CABUDHIN MAAMUL.

GUUL YO GOBANIMO SOMALILLAND.
BARWAAQO IYO BASH BASH 2019.

MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this