Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub.

Guddiga oo la magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku hawllanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamanka ayaa goor dhoweyd shaaciyay magacyada xildhibaannada Baarlamanka,kuwaasoo isugu jira  49 cusub iyo 17 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamankii hore,balse dib loo soo doortay.

Dhanka Haweenka waxa ku jirta hal gabadh oo laga soo xulay gobolka Sool,laguna magacaabo Nimco Cabdi Caarshe.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran

1111111.jpg?resize=720%2C960&ssl=1 2222222-1.jpg?resize=720%2C960&ssl=1 33333.jpg?resize=720%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

 

The post Magacyada xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this