Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle ayaa goor dhoweyd shaaciyay in uu xilka iska casilay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu go’aankan u qaatay arrimo la soo gudboonaaday darteed,balse faahfaahin kama uusan bixin.

Laga bilaabo hadda waxaan iska casilay G.Gobolka Sool ee Dawlada Puntland, Sababo ila soo gudboonaaday awgood ayaan go,aankan gaadhay” ayuu yidhi Geelle.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in uu qaban doono war-saxaafadeed uu arrimo badan uga hadli doono”waxaan qaban-doonaa warsaxaafadeed aan arimo badan kaga hadli-doono in sha Allah” ayuu sii raaciyay.

Abukar ayaa xilkan loo magacaabay 11 bishii June ee sannadkan 2018,waxaana uu hayay mudda lix bilood ah.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland oo is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this