Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Qalin-jabinta Dufcaddii 2aad Ee Jaamacadda Frantz Fanon University.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay dufcaddii 2aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Frantz Fanon University ee magaaladda Hargaysa, waxaana munaasibadda qalin-jebinta ardayda kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen waxaanu kula dar-daarmay inay waxbarashadooda sii wataan islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadkaba waxaana kamid ahaa hadaladiisi Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaadheen aad baan idiin hambalyaynayaa idinka iyo macalinkiina Prof: Bulxan, waxaan idinkula dar-daaramayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan dalkana u shaqayasaan, maanta rajo weyn ayaa muuqata oo waliba idinka idiin muuqata, horumar fiican ayaynu rajaynayaa insha Allaahu waxaanan idiin rajaynayaa guul” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this