Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Xidhay Muwaadin Mareykan Ah Oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xidhay muwaadin Mareykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Hay’adda Adeega Amniga Federaalka Ruushka ee FSB ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Paul Whelan la xiray 28-kii December “isaga oo fulinaya ficillo jaajuusnimo”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Paul lagu wado baadhitaan dambiyeed.

Ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer, hase yeeshee wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in Paul uu wajahayo 20 sano oo xabsi ah haddii dambiga lagu qiro.

Saraakiisha Mareykanka weli wax jawaab ah kama aysan bixin xadhigan.

Warka ku saabsan xariga Paul ayaa yimid wax ka yar 24 saac un kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo saaray hambalyada sanadka cusub oo uu u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isaga oo sheegay in Msocow ay diyaar u tahay inay wada-hadallada arrimo badan lasii waddo Washington.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this