Deeq A. Posted December 31, 2018 Hay’adda SIDRA oo kaashanaysa hay’adda USAID, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay kulan lagusoo bandhigayay qorshayaasha ganacsiga ee ay diyaarsadeen haweenka ganacsatada ah. Haweenka ganacsatada oo SIDRA ka helay tababaro kor loogu qadayay xirfadooda ganacsi , ayaa maanta la isugu yeeray si ay usoo bandhigaan mid walba xirfada uu doonayo in loo maal galiyo, waxaana goobta ku sugnaa Bankiga Amal iyo hay’adda USAID. Guddoomiyaha dallada iskaashatada dumarka ganacsatada, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in gabdhaha ganacsatada ah helaan aqoon iyo fursad ay dayn kaga qaataan bangiyada si ay ugu maal gaaliyaan ganacsigooda. Waxay sheegtay caqabadaha ugu weyn ee haystay inay ugu horeeyaan aqoon la’aan iyo dhaqaale xumo, balse waxay hadda ku niyadsan tahay haddii labadaan fursad la isku helo in ganacsatadu hormaridoonaan. Waxay u mahad celisay SIDRA oo ganacsatada ufidiyay tababaro xirfadooda ganacsi ka caawinaya iyo shahaadooyin ufududaynaya inay bangiyada ka sameyn karaan koontooyin maalgalineed. Axmed Siciid Nuur oo ka socday hay’adda USAID, gaar ahaan mashruuca maalgalinta ganacsatada haweenka iyo dhalinyarada, ayaa sheegay doorkoodu inuu ahaa inay SIDRA ka caawiyaan isku keenida ganacstada dabaeedna ku xirto bandgiga Amal iyo dallada ganacsatada gabdhaha. Axmed ayaa ku booriyay gabdhaha ganacsatada ah inay dadaalkooda ka dhabeeaan iyo inay bankiga kala xaajoodaan wixii caqabad ku ah. “ anaga doorkeena waxaa weeye inaan dadka tababarno oo aan siino aqoontii iyo xirfadii ay ku shaqeyn lahaayeen. Ganacsigu waa inaad fikrad la timaadaa, aqoontii, iyo cidii ku maal galin lahayd,” ayuu yidhi Axmed Sicid Nuur. Agaasimaha waaxda ganacsiga ee wasaaradda ganacsiga Puntland, ayaa u mahad celiyay Bangiga Amal oo muhiimad weyn siiyay gabdhaha ganacstada iyo machadka SIDRA oo aqoontii ka caawiyay. Wuxuu kula dardaarmay inay ka faaidaysataan fursadaan, isagoo sheegay dumarku inay yihiin udub dhexaadka bulshada. Bankiga Amal ayaa balanqaaday inuu dumarka maanta soo bandhigay xirfadahooda ganacsi u sameyndoono Koontooyin, wuxuuna ugu bishaareeyay in sanad cusub bankiga Amal uu kor uqaadayo maal gelinta ganacsatada dumarka. Si taas loo gaaro wuxuu Amal Bank ku booriyay ganacsatada inay buuxiyaan sharuudaha ka caawinaya in loo maalgeliyo ganacsigooda. Agaasimaha SIDRA, Gulled Saalax Barre, oo ugu dambayn hadalka qaatay ayaa uga mahad celiyay dumarka ganacsatada kaalinta ay bulshada ugu, wuxuuna yidhi,” waxaa xaqiiq ah inay doonayaan inay ganacsigooda balaariyaan. Wuxuu maamulka Amal bank ugu baaqay inay tixgalin gaar ah siiyaan haweeka ganacsatada. Dumarka ganacstada ee soo bandhigay xirfadooda ganacsi, ayaa ukala qeybsanaa, Beeraley, Dukaanlayaan, xarumaha dumarka isku qurxiyaan, Qudaarley PUNTLAND POST The post SIDRA oo kulan u qabatay haweenka ganacsatada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites