Deeq A. Posted December 31, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Admiral Xasan Nuur Col Joog oo bartamihii bishii August 2018 loo magacaabay xilkan. Xil ka qaadistan oo uu sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa, mana sheegin madaxweynaha. Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan tallaabooyin baal marsan shuruucda ciidamada oo uu lagu eedeeyey inuu Taliyahu ku dhaqaaqay, inkasta oo aan weli la faafaahin. Waxaa si ku meel gaar ah xilka taliyaha ciidamada badda loogu loo magacaabay S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan. Taliye Xasan Nuur, ayaa xilka la wareegay un 22-kii bishii August ee sanadkan, isaga oo beddelay Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow), waxaana uu xilkan haye kaliya afar bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites