Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex qof oo lagu dilay degmada Shibis

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Buulo Shiidle, ee degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Labo Askari oo ka tirsan Dowladda Hoose, waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay qof la fadhiyay labada Askari oo ka tirsanaa Minishiibiyada.

Waa dilkii 3aad oo saaka kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa sidoo kale Degmada  Waabari lagu dilay Labo Askari oo midi Gaashaanlle dhexe ahaa halka midka kale la sheegay in uu ahaa Xiddigle.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana lagu bartilmaameedsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culusow oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo Al-Shabaab ay dhowaanahan sare u qaadday weerarada ay ku beegsaneyso saraakiisha ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay dilka Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cali Jamaame oo 6-dii bishan lagu dilay qarax miino.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this