Sign in to follow this  
Deeq A.

40 Askari Oo Ka Soo Goostay Jabhadda Uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Dararweyne Ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dararweyne)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag maanta ku soo dhaweeyay tiro ka badan 40 Askari oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil ka tirsan ciidammada millateriga Somaliland ayaa soo dhaweeyay askarta.
Dhawaan ayay ahayd markii uu ka soo goostay taliye Gamaal Baaxad oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaaminayo kornayl Caarre isaga oo sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland waydiisanayo in la cafiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this