Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.  M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay xaafadda Burdheere degmada Waabari ee gobolka Baanadir, kaas oo la sheegay in loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay aya lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow, waxaana dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo baahiyay in ay ka qaateen Bistoolad uu watay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in wax yar kadib meel aann sidaa uga fogeyn xarunta degmada Waabari lagu Toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda, kaas oo ay dileen Dabley hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale falkan dilka ah ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray Qof shacab ah oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Falastiin, kaas  oo goob Ganacsi ku lahaa halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuw ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo la sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen halka uu dilku ka dhacay.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in maanta nin ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Faanoole, gaar ahaan agagaarka Iskoolka Godey ee degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, waxaana la sheegay in ay murmeen, kadibna uu rasaas ku furay Askarigaasi.

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay Toogteen Askarigaasi oo isku dayay in uu baxsado dilka kadib.

Muddooyinkii dambe waxa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayay faal amaan oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo ay inta badan sheegteen Al Shabaab.

The post Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this