Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu Toogtay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Illaa 6 Qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa waxaa maanta Saraakiisha Ciidamada dowladda ay ku Toogteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Toogashada ayaa ka dhacday xarun Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Mid ka midi ah Saraakiisha Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Korneyl Duhaab Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) ayaa  Shabelle ayaa uga warbixiyay Toogashadaasi.

Tima Jilac ayaa sheegay in Raggani Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay dil Toogasho ah, laguna fuliyay.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in xubnahani la Toogtay  dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka ku nafwaayay dhacdooyinkaasi ay gaarayaan illaa  14 Qof oo isugu jira Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta deegaanada iyo degmooyinka gobolkasi.

The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu Toogtay Baardheere appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this