Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Wariyeyaasha la dilay 2018 Oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warbixin uu soo saaray Ururka Saxafiyiinta caalamka  ee IFJ ayaa lagu sheegay in ay korortay Tirada Wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta ee sanadkani sii dhamaanaya ee 2018 -ka lagu dilay Dunida.

IFJ ayaa shaacisay in sanadkan caalamka lagu dilay 94 Saxafi ,kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo dilay, xilli ay ku guda jireen Mihnadooda Warbaahinta.

Tirada Wariyeyaasha sanadkaan la dilay ayaa ah kuwo ka badan sanadkii hore ee 2017-kii, kaas oo la dilay 84 Saxafi, sida ay sheegtay IFJ.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka la shaaciyay ee Wariyeyaasha lagu dilay sanadkani , kuwaasi oo gaaraya illaa iyo 6 Wariye.

Dalka Afghanistan ayaa loo aqoonsaday meesha ugu qatarta badan caalamka oo ay Saxafiyiintu  ka howlagalaan haatan, dalkaasi oo Sanadkan lagu dilay 16 Saxafi, waxaaana soo raaca wadamada Mexico, Yemen iyo Syria .

Soomaaliya ayaa weli ka mid ah dalalka lagu dhibaateeyo Saxafiyiinta, kuwaas oo halis la kulma, xilliyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo.

The post Tirada Wariyeyaasha la dilay 2018 Oo korortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this