Deeq A. Posted December 31, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee M/ Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sahal. Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi uu ka badbaaday qaraxa, slamarkaana uu burbur xoogan soo gaaray Gaariga oo watay oo ahaa nuuca raaxada. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada Saraakiisha iyo Askarta Ciidamada dowlada ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites