Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Egypt Mosques Comes Agaist Somalis

Recommended Posts

Masaajidada Masaarida oo laga Bilaabay Kacdoon ka Dhan ah Soomaalida ku Nool Qaahira

 

 

Qaahira-(HWN)-Qaar ka mid ah Culimada Masaajidada Masaarida, ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan dalka Masar, ay ku lug leeyihiin falalka budhcadnimada ah ee lagu afduubto maraakiibta isticmaala marin-biyoodka Badda Cas.

 

Masaajidada Masaasrida, ayaana laga jeediyey muxaadarooyin lagu wax yeelaynayo Soomaaliada dalkaa ku dhaqan, iyada oo culiaduna dawlada ku eedeeyey inay martigalisay dad budhcad-badeed ah oo qafaasha maraakiibta badaha maraya.

 

Masaajid ku yaala xaafada Xayil Caashi ee magaalada Qaahira, salaadii taraawiixda ee habeen hore, ayaa sheekha masaajidkaa tukiyaa, waxa uu sheegay in maraakiibta Soomaaliya lagu afduubo laga abaabulo xaafadaha Somalidu degan tahay ee ku yaala magaalada Qaahira, isaga oo xusay in lacagta ka soo xeroota afduubka maraakiibtana lagu maalgaliyo Somalida ku dhaqan gudaha Masar.

 

Waxaanu sheekhaasi sheegay in Soomaalida Masar ku dhaqani ay yihiin qaar ku lug leh falalka lagu qafaasho maraakiibta ee marka dambena looga qaato lacagaha madax furashada ah, isaga oo dawlada Masar ku eedeeyey inay ku fashilan tahay wax ka qabashada dadka dambiilayaasha ah ee hoyga ka dhiganaya dalkooda.

 

Hadalka ka soo yeedhay ninka sheekha ah, ayaa lagu macneeyey inuu yahay mid la isaga horkeenayo dadka Somalida ah ee ku dhaqan dalka Masar iyo shacabka Masaarida ah, iyada oo Soomaalida laga dhigayo dad budhcad-badeed, waxayna hadaladaasi keeni karaan in dhibaatooyin loo gaysto dadka Soomaalida ah ee qaxoontiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this